Skip to main content

Lights On, Homes Warm - Somali

English  |  Español  |  Somali

CUB waxey si ku meel-gaar ah u daah-furtey qasnada biilasha adeegsiga korontada ee Lights On, Homes Warm si loo caawiyo dadka Minnesota degan ee la halgamaya biilasha korontada. Si aad caawimo u codsato, kala xiriir CUB 651-300-4701, oo riix 9 si aad ula hadasho Kooxda Wacyigelinta ee CUB. Shaqaalaha CUB waxey kaala hadli doonaaan dhowr ikhtiyaaro ee barnaamijka iyo ilaalo oo la heli karo.

Qasnada biilasha adeegsiga korontada ee Lights On, Homes Warm waa barnaamij ku-meel-gaar ah. Wuxuu xirmi doonaa ugu dambeyn Oktoobar 31, 2026, laakiin CUB wuxuu sii ahaan doonaa kheyraad u furan dhammaan dadka Minnesota degan si la xiriirta biilashooda korontada.

Kaalmo Codsashada & Su’aalaha Inta badan La Is-weydiiyo

Si aad caawimo u codsato, kala xiriir CUB 651-300-4701, oo riix 9 si aad ula hadasho Kooxda Wacyigelinta ee CUB. Shaqaalaha CUB waxey kaala hadli doonaaan dhowr ikhtiyaaro ee barnaamijka iyo ilaalo oo la heli karo.

Haddii aad u baahantahay adeeg turjumaad, fadlan ku wadaag baahiyahaada luuqadeed bilawga wicitaank.

Haddii aad soo gaarto codka-reebkeena, fadlan noo reeb fariin.

Qofwalba oo shaaciya baahi ah kaalmo adeega koronto kana heli Karin baahiyahooda Barnaamijyada Gargaarka Tamarta iyo awoodida korontada ayaa uga qalma kaalmo qasnadaan.

Abril 10 keeda, dhammaan dadka codsaday waxey heli doonaan isku-geyn hadiyad $500 ah, oo si toos ah loogu diro adeeg bixiyahooda. Haddii aad kaalmo uga baahantahay hal adeeg koronto, $500 ayaa loo diri adeeg-bixiyehaas.haddii aad kaalmo  uga baahantahay laba adeeg koronto, $250 ayaa loo kala diri adeeg-bixiye kasta.

U diyaar-garow inaad bixiso:

  • Lambarkaaga(daada) koontada korontada
  • Magaca ku liis-gareysan koontadaada korontada
  • Taleefon lambarkaaga sifo aan kuula soo xiriiri Karno haddii arrimo ka jiraan codsigaaga.

Iyadoo ay ku xirantahay adeeg-bixiyehaaga koronto, waxaan u baahan karnaa inaan uruurino macluumaad kale sifo aan lacag ugu shubno koontadaada, ay ku jiraan cinwaankaaga, lambarka gurigaaga, zip koodhkaaga, degmadaada, ama macluumaad kale.

Waxaan aminga xogta u qaadanaa si dhab ah, waxaana rabnaa inaan xaqiijino asturnaanta iyo nafiska dhammaan kuwa soo waca CUB.

  1. Waxaan dhowr su’aalo kaa weydiin doonaa xaaladaada biilka korontada.
  2. Waxaan ku weydiin doonaa haddii aad xiiseyneysid Barnaamijka Kaalmada Tamarta  ee federaalku fangareeyo
  3. Haddeysan ahayn, ama haddii qarashaadkaas eysan ku filneyn iney buuxiyaan baahiyahaada, waxaan uruurin doonaa macluumaadkaaga si loo codsado qasnada Lights On, Homes Warm. 
  4. Kadib markaad fayl-gareyso codsigaaga, waxaan ka hadli doonaa waxa la sameeyo haddii aad aalaaba bixinin biilashaada ama haddii aad heshay ogeysiis koronto-jaris ah.

Lacaguhu si toos ah ayaa loogu soo shubi adeeg-bixiyaha korontadaada. Yoolka CUB waa in lacagtu ku soo shubto koontadaada sida ugu dhakhsaha bada, laakiin waa inaan la shaqeynaa adeeg-bixiyahaaga koronto si aan lacagta u bixino.

Waxey qaadan kartaa ilaa saddex todobaadyo si lacagtu uga soo muuqato koontadaada koronto. Intey midaa socoto, waxaan si xoog leh kuugula talineynaa inaad la degsato qorshe lacag-bixin adeeg-bixiyehaaga koronto quseysa wixii biilal aan la bixin si looga fogaado koronto-jaris iyo khidmado dib-dhaceed. Waxaan kaala hadli karnaa sida loo degsado qorshe lacag-bixineed, ay ku jiraan sida loo xaqiijiyo in lacag-bixinada loo baahanyahay ay kuu furanyihiin.

Fadlan u sheeg shaqaalaha CUB inaad heshay ogeysiis damin ah. Waxaan ogeysiin doonaa shaqaalaha adeega korontada waxaana u shaqeyn doonaa inta karaankeena ah si loo dib-dhigo wixii jaris koronto oo hadda laalan.

Haddii aad haysatid ogeysiis damin ah, waxaad leedahay xuquuq. Kuma qasbanid inaad aqbasho qorshe aanu u  shaqeyneyn miisaaniyadaada.

Waxaan si adag kuugu boorineynaa inaad la xiriirto adeeg-bixiyehaaga koronto isku daydid inaad degsato qorshe lacag-bixineed ku saabsan haraagii la soo dhaafay. Si kastaba ha noqotee, ha aqbalin qorshe lacag bixineed oo aanu u shaqeyneyn miisaaniyadaada. Haddii adeeg-bixiyaha korontaada uu ku weydiinayo lacag aad u badan, kuma qasbanid inaad aqbasho qabanqaabadan. Qof kasta oo jooga Minnesota waxaa u furan qorshe lacag-bixineed oo u shaqeeya miisaaniyada qoyskooda.

Haddii aadan gaari Karin heshiis kuu shaqeeya, kala xiriir Xafiiska Arrimaha Macmiilka ee Guddiga Adeegyada Korontada Dadweynaha ee Minnesota . U sheeg inaad biilal bixinin. U sheeg inaad wacday adeeg-bixiyehaaga koront aadna awoodi weydeen inaad gaartiin heshiis ku saabsan qorshe lacag-bixineed oo u shaqeeya miisaaniyadaada. Way soo faragelin doonaan waxey dejin doonaan qorshe lacag-bixin oo adiga kuu shaqeeya.

Degsashada qorshe lacag-bixin

Taageer Shaqada CUB

La cusbooneysiiyey Abril 28, 2026: Waxaa ku mahadsan tabarrucaadyada deeqsiga leh oo ay ku deeqeen is-kaashatooyinka maxaliga ah, dadaalka biilashada korontada qasnada CUB’s Lights On, Homes Warm haddeertan si buuxda ayaa loo fan-gareeyey.

Haddii aad jeclaan lahayd inaad wax ku biiriso qarashaadka CUB ee fulinta barnaamijkan, iyo sidookale bixinta wax-baris bulsho iyo u doodida adeegsadayaasha koronto ee Minnesota, fadlan tixgeli sameynta deeq aan xadidneyn ee ururka adigoo isticmaalaya foomka hoose. Dhammaan deeqyada waa kuwo dakhliga la canshuuro ka reeban.